Ciidamada Dowlada Oo Isbaarooyin Dhigtay…

Uncategorized

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Ciidamada Dowladda ayaa maanta Isbaarooyin dhigteen inta u dhaxeysa Degmada Dhuusa mareeb iyo Guricel, waxeyna hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo ka tirsan NISA ay joojiyeen is-hortaagna ku sameeyay Odayaal dhaqameed ka baxay degmada Guriceel  ee Gobolka Galgaduud kuna sii jeeday Magaaladda Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug.

Wagaradkaan laga horjoogsaday iney u ambabaxaan Magaaladda Dhuusamareeb ayaa u jeedka socodkooda laga sheegay inay tahay ka qayb galka Munaasabad qado ah oo laga taageerayo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Dadka ku sugan Guriceel ayaa ku soo waramaya in Xoogaga NISA oo gaadiidka Dagaalka ku jaray wadada Laamiga ah ay amarku siiyeen wadayaasha Gaadiid in ay dajiyaan Waxgaradka ku sii jeeda Magaaladda Dhuusamareeb.

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa kuwada Sugan 2-Madaxweyne oo mid Garabka Farmaajo yahay halka Sheekh Shaakir oo Xubnaha Ahlusunna u doorteen Madaxweynaha Galmudug,waxa ayna kulamo is diidan ka wadaan Magaaladda Dhuusamareeb.

16810cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Isbaarooyin Dhigtay…