Miyeey Dowlada Federaalka ku Baraarugsan Yihiin Dabinada France ee Hiwlgalka Cusub ee AUSSOM..

Africa News Security Somalia news

Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo UN-ka ayaa la filayaa in bisha soo socota ay soo bandhigaan liiska Dalalka Ciidamada ugu deeqay howlgalka AUSSOM, balse xiisaddii ugu dambeysay ee u dhaxeysay Ethiopia iyo Somaalia ayaa keentay shaki ku aadan in Maamulka Addis abebw ay qeyb ka noqon doonto howlgallada nabad ilaalinta ee ugu dambeeyay ee Somalia…

Howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibada Ethiopia ayaa ka digaya in dib u habeynta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika aysan noqon mid kale oo xiisad iyo colaad ka abuurto Geeska, Toddobaadkii hore, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa soo dhaweeyay dalabyada Masar iyo Jabuuti ee ku aadan in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka soo socda.

Ethiopia waxay xaq u leedahay inay sii wado qaadista tilaabo ka dhan ah hanjabaadaha kooxda Shabaabka iyadoo ay ku jirto xeyndaabka Howlgalada AUSSOM ama la’aanteed nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, dhawaaqan ayaa soo baxay kadib markii Somalia ay sheegtay ineysan Ethiopia qeyb ka noqon doonin Howlgalka cusub kadib markii ay uga dhacday Xududaha Dhuleed/Badeed ee Somalia.

Ku darsoo Dowlada Federaalka waa iney si adag uga soo horjeestaan ​​fara gelinta Faransiisku ka wado Somalia, gaar ahaan ficillada uu ku kacay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca nabad ilaalinta, Jean-Pierre Lacroix, kaasoo lagu eedeeyay inuu laaafan yahay Ethiopia una ololeynaayo in Ciidamada Ethiopia ay qeyb ka noqdaan Howlgalka Cudub ee AUSSOM.

340090cookie-checkMiyeey Dowlada Federaalka ku Baraarugsan Yihiin Dabinada France ee Hiwlgalka Cusub ee AUSSOM..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com