Ka Qaadista Xayiraadka Hubka & Saanada ee Ciidamada Somalia 32-Sano Kadib…

Somalia news

Golaha Amaanka ee QM ayaa ku dhawaaqay iney ka qaadeen xayiraadii saarneyd Dalka Somalia 32-sano kadib, iyadoo Dowladaha China, Russia & UK ay Somaliya ku garabsiiyay Qaadista Cunaqabataynta, waxaa la sheegay in USA ay taageertay inkastoo muddo dheer ay hortaagneyd in la qaado xayiraada…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Golaha Amaanka ay Gudiga ilaalinta iyo la socdka Cunaqabataynta Hubka ee QM ay sii wadaan Howshooda kormeerka iyo la socodka Hubka mudo 6-Bilood ah, iyadoo Dowlada Somalia ay dalbatay in mudo 90-maalmood gudahood ay si dhamaystiran uga baxaan Wadankeeda Gudiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee QM, waxayna badalkooda codsadeen in Wadamo gaar ah kala shaqeeyaan ilaalinta Hubka, balse waa u heli wayday taageero.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa rumeysan in joogitaanka Guddigaan ee gudaha Somalia ay ka dhigan tahay in weli Dalku uu ku hoos jiro Chapter 7, Warar ayaa sheegaya in Go’aanka Qaadista cunaqabateynta Hubka, waxaa xigi doona Kulan ka dhici doona Dalka USA oo looga sii xaajoon doono arimaha Farsamada ee la xiriira Dalalka ay Somalia Hubka ka soo iibsan karto iyo Wargelinta Golaha Amaanka.

Dalalka Ay Somalia Hubka ka Iibsan karto

Waxaa safka hore kaga jira Dalka Russia oo Qalabka Ciidamada ay Somalia muddo dheer soo isticmaaleysa, Dalka China iyo Nord Korea, Dalka Turkiga oo Sanadihii ugu dambeeyay Qalabeeyay Guutooyinka Gorgor iyo Haramcad, Dhanka Reer Galbeedka Dalka UK iyo Italy ayaa laga yabaa iney yabooh fidiyaan Halka USA, Germany iyo Japan ay diyaar la yihiin qalabta Danab iyo Boliiska.

Khubarada u dhuun daloola Arrimahaan ayaa sheegay in khilaafyada Garabyada Siyaasada ee kadhisan Somalia ay qeyb ka yihiin kuwa isbaarada u dhigta in la qalabeeyo Ciidamada Xooga Dalka, marka hore waxaa loo baahan yahay in la mideeyo Siyaasada Amniga Qaranka oo aaney koox isku koobin masiirka Dalka isla markaasna ay yeeriso Nidaamka Dowlada ay ku dhisan tahay.

290610cookie-checkKa Qaadista Xayiraadka Hubka & Saanada ee Ciidamada Somalia 32-Sano Kadib…