Muqalisiin Somali Ah Oo La Qabtay..

Uncategorized

Howlgal ay sameeyeen Qeybta dambi baarista ee dowladda Kenya ee CID-da ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen laba Ruux oo Soomaali ah,kuwaas oo kamid ahaa kuwa dadka tahriibiya.

Howlgalkaan ayaa waxaa laga fuliyey Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi,waxaana labada qof ee Soomaalida lala qabtay 11 Ruux oo kamid ahaa dadka la tahriibinayay.

Ragga Soomaalida ah ee dadka tahriibinayay ee la qabtay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman,waxaana la filayaa in Maanta oo Isniin ah Maxkamad la soo taago.

18630cookie-checkMuqalisiin Somali Ah Oo La Qabtay..