Muruq-Maalada Somalia Oo Shaqo La’aan soo Food Saartay, Kadib Mashiino Lagu Bedelay…

Somalia news

Guud ahaan Dalka Somalia waxaa si xowli ah uga socda isbedelada Horumarinta Kaabayaasha Dalka, iyadoo ay Saameyn ku yeelatay Xoogsada (Muruqmaal) oo shaqadoodii ku waayay Mashiino casri ah, waxeyna wajahayaan hubanti la’aan, iyadoo aysan muuqan nidaam dowladeed oo u dejinaaya Qorshayaal kale…

Wararka ayaa sheegaya in Mashiinada lagu farsameeyo bulukeetiga oo sanooyinkii dambe ku soo batern Guud ahaan Dalka Somalia ay howlgab geliyeen tiro badan oo Muruq-maal ah, iyadoo ganacsatada leh xarumaha Mashiinadq iney ku doorteen faa’iidooyin ay arkeen iney Shaqaalahana uga fiican yihiin.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mashiinadan oo halkii xabo uu joogo qiimo gaaraya $12,000 waxeyna sheegeen in dhaqaalaha ku baxaya gadistiisa ay ku soo heli karaan wax ka yar hal sano maadaama uu awood u leeyahay in maalintii uu soo saaro 1,000 xabo, taasoo laban-laab ka badan tii ay Muruq-maalku ugu samayn lahayeen, Ganacsatadaan ayaa shaqaaleysiiya Eheladooda si ay u shidaan una demiyaan Mashiinada.

Xoogsatada arrintan ay saamaysay ayay adag tahay iney ka soo kabsadaan, Waxaa isku raacday shaqada oo ka istaagtay xilli aysan ku talo galin iyo in aysan lahayn xirfaddo kale oo ay ku bedeshaan, ku darsoo guud ahaan Magaalooyinka Dalka waxaa ka taagan shaqo la’aan qofkuna markii uu shaqo la qabsado waqti dheer ayay qaadanaysaa inuu shaqo kale helo.

334670cookie-checkMuruq-Maalada Somalia Oo Shaqo La’aan soo Food Saartay, Kadib Mashiino Lagu Bedelay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com