Mareykanka Oo Digniino U Gudbiyay Farmaajo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulanka qarsoodi ah oo todobaadkii tagay ay ku yeesheen Xarunta Afisioni Ee Garoonka diyaaradaha magaalada Mogadishu, Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Farmaajo iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Gaashandhigga Ee Mareykanka…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Saraakiisha la kulmay Mr.Farmaajo ayaa ku wareejiyay Qoraal ay ku faahfaasan tahay in Maleeshiyaadka Kooxda Shabaka ay Muqdisho ka wadaan dhaqdhaqaaqyadii ugu xooganaa ee sameyntooxa doorashada Dadban Ee Dalka islamarkaana ay u yeereen Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo qof kasta oo ay u arkaan iney soo geli karaan doorashada.

Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay looga digay in haddii Kooxda argagixisada ay soo galaan Siyaasada Somalia ama Xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasoo Mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta.

Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah.

130980cookie-checkMareykanka Oo Digniino U Gudbiyay Farmaajo