Wararka naga soo gaaraya degaanka Kabsuuma ee degmada Jilib ayaa sheegaya in laba duqeyn ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka ay ku dileen 11-xubnood oo rayid ah kuwaasoo uu ku jiro Nabadoon degaanka ka soo jeeda….
Qoraal ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu sheegay in Duqeynta Diyaaradaha drones-k ay dhacday 9-kii Bishaan, ayna ku sababeeyeen is-difaac looga hortagaayo weeraro ay abaabulaayeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee fariisimada Ciidamada Mareykanka iyo Dowlad goboleedka Jubbaland.
Waxaana duqeyntani lagu dilay 11-xubnood kana dhacday degaanka kobani ee u dhow Baarsanguuni iyo halka Weerarka kale uu ka dhacay degaano hoos yimaada Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, sida ku cad qoraalkaan.

Dhank kale Warbaahinta Kooxda Shabaabka ayaa sheegtay in Duqeynta drones-ka USA lagu dilay Nabadoon Cabaas Maxamed Xaaji oo ahaa Suldaanka Beesha Jareer ee Jubooyinka kaasoo taageersan a Kooxda Shabaabka iyo dad kale oo rayid ah.