QM Oo Walaac ka Muujisay Kororka Cuduradka Cagarshowga oo Bukaano badan Dila..

Health

Iyadoo maanta Aduunka laga xusayaa maalinta loo gaarka yeelay ka hortagga xanuunka Cagaarshowga (Hepatitis) oo leh heerar kala duwan oo ilaa shan qeyb ah oo kala halis badan sida ay sheegeen dhaqaatiirta, kaasoo galaaftay nolosha Bukaano badan..

Hay’adda u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in xalka keliya ee muuqda uu yahay ka hortagga iyo in lala tacaalo bukaanka inta uu ku cusub yahay cudurkaan ka hor inta uusan gaarin heerka ugu dambeeya, Warbixin kasoo baxday WHO ayaa lagu sheegay in guud ahaan Caalamka gaar ahaan Qaaradda Afrika looga baahan yahay iney sameeyaan ka hortag iyo olole lagu ciribtirayo xanuunkaan si lamid ah cudurro laga afjaray qaaraddaan.

Sababta loo qaadanayo tallaalka loona sameynayo kahortagga halista Cagaarshowga, iyadoo sanadkii ay u dhintaan 1.34 Milyan oo Bukaan guud ahaan Caalamka, Cuddurkaan wuxuu leeyahay heerarka A, B, C, D & E. dabcan halistiisa ayuu wataa sida HIV/AIDS, Qaaxada ama Duumada oo waxaa loo baahan yahay in wadajir loola dagaalamo”ayaa lagu yiri war kasoo baxay WHO.

Khubarada & Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa sheegay in heerka saddexaad ee Cagaarshowga ee ah ‘C’ in 80% uu sababo cudurka Kansarka Beerka ku dhaca sida lagu ogaaday baaris kala duwan oo lagu sameeyay dad uu cudurkaas ku gaaray heerkaas.

268620cookie-checkQM Oo Walaac ka Muujisay Kororka Cuduradka Cagarshowga oo Bukaano badan Dila..