Nidaamka Dilka (Qisaasta) Loo Maro Somalia & Ethiopia Maxaa isku Ekeysiiyay…

Uncategorized

Dalka Somalia Qofku marka dil uu gaysto ee Maxkamadi ku rido xukun Qisaas ah, waxaa la geeyaa goob fageere ah waxaana lagu toogtaa rasaas noolnool, Nidaamka toogashada ee noocaas ah ayaa ah mid laga soo minguuriyay Shareecada Islaamka, sida ay horay u sheegeen culimada diinta iyo Maxkamadaha Dalka intaba, waxaana sal looga dhigaa Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo kan Shareecada Islaamka…

Inkastoo Xukunka uu qaato muddo Go’aanka Maxkamadaha kadib ayaa waxaa saxiixa fulinta falka Qisaasta Madaxweynaha Dalka, Sida oo kale Nidaamkaani mid la mid ah ayaana la raaca Ethiopia, Balse Dadka Ethiopianka qaarkiis ayaa dhaliila Nidaamka loo maro toogashada, kuna tilmaama arrin siyaasadeed sida uu sheegay Mr.Mehari Radaei, oo ka mid ah Dadka dhaliilsan.

“Waxaa jira dib-u-dhacyo badan iyo isdiidsiin badan oo ku aadan in madaxa wadanku ansixiyo dilka isagoo xukunku jiitamo sababo badan darteed” ayuu sheegay Aqoonyahanka arrimaha Sharciga ah waxuu xusay “Tusaale ahaan markii Madaxweyne Girma Wolde-Giorgis uu xukunka hayay wax badan ma uusan ansixin sababtoo ah wuxuu lahaa falsafad u gaar ah. ” Ma xasuusto [waqtigii] ay sidoo kale Madaxweyne Sahlework ansixisay. Sidaa darteed, ma jiro go’aan maxkamadeed oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa jira go’aan shaqsi ahaaneed. . . Uma maleynayo in ciqaabta lagu fulinayo.”

Si kastaba ha ahaatee, warbixino loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in 25-kii ilaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ay dhaceen xukunno aan badneyn inta la ogyahay, laakiin ay dhacday in la fuliyay qaarkood, Hey’adda Amnesty International ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ciqaabta dilka ah ay sii kordhayso adduunka oo dhan. Waxay sheegtay in 1153 xukun dil ah la diiwaan galiyay sanadkii tagay ee 2023-dii oo qudh ah.

332470cookie-checkNidaamka Dilka (Qisaasta) Loo Maro Somalia & Ethiopia Maxaa isku Ekeysiiyay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *