Colaada & Duqeymaha Magaalada Laas caanood Oo 3-Bilood u Buuxsamtay..

Uncategorized

Waxaa 3-bilood u buuxsamtay Colaada iyo Duqeymaha Magaalada Laas caanood, iyadoo Dad badan oo rayid ah ay ku geeriyoodeen, baaqyo badana oo dhinacyada loo jeediyay ayaan lagu guuleysan, waxeyna sababtay dhimasho iyo Dhaawacyo kor u dhaafaya ilaa 1500-Qof…

wasaarada Arrimaha Divada iyo Danjiraha USA ayaa dhowr baaqyo ay soo saareen ku fashilmay in la dhageysto isla markaasna ugu baaqay Maamulka Muuse Biixi inuu ka saaro Makeeshiyaadkiisa duleedka magaalada Laas caanood kuwaasoo Madaafiic aan loo meel dayin ku duqeynaaya goobaha Caafimaadka, Dugsiyada Waxbarashada iyo Masaajida.

Horgalada Maamulka Hargeysa ayaa cabsi xoogan ka qaaday kadib markii Dadka Degmada Laas caanood ku nool ay diideen iney ka mid ahaadaan Maamulka aan Aqoonsi Caalami ah ka helin Aduunka, waxeyna sheegeen iney dib ula midoobayaan Dalka Somalia, taasoo horseeday in Maleeshiyaadka Maamulka Hargeysa ay Duqeymo la dhacaan magaalada.

249110cookie-checkColaada & Duqeymaha Magaalada Laas caanood Oo 3-Bilood u Buuxsamtay..