Suuqyada Kenya Oo Laga La Yahay Lacagta Dollarka

Africa News

Wasiirka Ganacsiga ee dalka Kenya, Moses Kuria, ayaa sheegay in Lacagta Dollar-ka ee laga waayey dalkani, ay tahay mid aanay waxba ka qaban Karin dowladdiisa, Kuria ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka, in Dollar la’aantu ay tahay dhibaato si guud dunida uga jirto…

Balse Wasiirku wuxuu eeda dusha uga saaray dhaqanka ka jira Kenya ee ah in dalka la keeno waxyaabo gudaha dalka lagu farsameyn karo, “Kama caban karno dhibka naga heysta lacagta Dollarka, marka aan wax waliba aan dibadda kasoo waaridayno/dejineyno,” ayuu yiri wasiirka.

Todobaadaan ayaa Madaxweynaha Tanzania Sheegtay in mid ka mid ah Dalalka Deriska la’ah ay soo food saartay baahi xoogan oo Cash-ka Dollar-ka, waxeyna Ganacsatada ka dalbatay in la dhiirigaliyo wax soo saarka gudaha, lagana ilaaliyo tartanka kaga imanaya Ganacsatada gudaha kuwa Shisheeye.

245890cookie-checkSuuqyada Kenya Oo Laga La Yahay Lacagta Dollarka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com