Nigeria Oo Ganaax Lacageed Gorada u Gelisay Shirkada Meta ee Facebook..

Africa News

Guddiga Federaalka iyo ilaalinta Macaamiisha (FCCPC) ee Dalka Nigeria ayaa ku eedeysay Maamulka Shirkada Meta ee Facebook xadgudubyo badan oo soo noqnoqday loogu geystay qaar katirsan Macaamiisha u dhashay Dalkaasi, kadib markii ay kordheen Eedeha laga gudbiyay Shirkadda…

Guddigaan ayaa Ganaax lacageed oo dhan 220-Millions US$ qoorta u suray Maamulka Shirkadaha Meta ee Facebook, What’s up & Instagram, iyagoo ku eedeeyay iney si joogto ah Macaamiishooda ugu xadgudbaan Ilaalinta xogta iyo sharciyada xuquuqda macaamiisha, waxeyna ugu baaqeen iney u hogaansanaato Sharciyada ayna si deg deg ah u joojiyaan ka faa’iideysiga Macaamiisha.

Shirkada Meta ayaan weli jawaan ka bixin eedaha iyo Ganaaxa la dul dhigay, iyadoo Guddiga FCCPC ay sheegeen in Hogaanka Shirkadu ka warqabto baaritaanada lagu hayay kaasoo qaatay 38-Bilood, si kastaba, Dalka Nigeria waxaa ka diiwaan gashan ilaa 164,3- Millions oo Qof kuwasoo isticmaala qeybaha kala duwan ee Baraha Bulshada, qaarkoodna eedo u jeediyay Shirkadaha iska leh Adeegyada Baraha.

336410cookie-checkNigeria Oo Ganaax Lacageed Gorada u Gelisay Shirkada Meta ee Facebook..