Dowladdaha Kenya & Somalia oo Ka Wada Hadlaaya Arrimaha Ganacsiga iyo Safarada

Africa News Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa ka jawaabtay warka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsan in dib loo fasaxay Qaadka Kenya ee iman jiray Dalka oo hadda xayiran muddo laba sano ah, iyadoo la sheegay in Wada hadalo ay yeelan doonaan 2-Dal Todobaadka soo socda…

Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya Oo shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta Qaadka Miraaga ah, xilligaasoo lagu wado in 2-da Madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah, wuxuu kaloo intaasi rasciyay in Duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada.

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, iyadoo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in:-

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

Somalia ayaa muddo dheer dooneysay iney xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban 7-Dalalka oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

2- Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Somalia ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya iyo in Ganacsiga xuduudaha la fududeeyo.

194140cookie-checkDowladdaha Kenya & Somalia oo Ka Wada Hadlaaya Arrimaha Ganacsiga iyo Safarada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com