Cabsida Bam: Khubarada Boliiska Kenya oo Baaray bac lagaga tagay Wadada Langata (Nairobi)..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalads Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxaha Khubarada qaraxyada ayaa habeenimadii Axada loogu yeeray goob boorso looga tagay oo ku taal wadada Langata, ee magaalada Nairobi…

Khubarada  Boliiska ka tirsan ayaa baaray boorsada iyagoo isticmaalaya Robots, waxaana ay soo qaateen si loo baaro, Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shilkan uu sababay argagax iyo in muddo kooban uu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka, Boliiska waxay sheegeen in markii dambe ay ogaadeen in boorsada ay ku jireen “warqado” oo aysan jirin sabab looga cabsado ah.

Boorsada laga helin walxaha qarxa, balse waxaa dhici karta in si bareer ah oo cabsi gelin ah loo dhigay halkaasi,” ayuu yiri Sarkaal Amaan, wuxuuna intaasi raaciyay iney kordhiyeen feejignaanta iyo la socodka noocyada kala duwan ee dambiyada ay ka mid yihiin argagixisanimada.

Kooxo ka kooban hay’ado Amaan oo kala duwan ayaa la abaabulay si looga hortago weerar kasta oo argagixisanimo oo ka dhaca dalka gudihiisa, kadib markii ay kordheen falalka noocaan oo kale ah ee ka dhaca xadka Kenya iyo Somalia, Warbixinada sirdoonku waxa ay sidoo kale muujinayaan in argagixisadu laga yaabo in ay dalka si dhuumaalaysi ah ku soo galeen oo ay fuliyasn hawlgalo argagixiso.

264070cookie-checkCabsida Bam: Khubarada Boliiska Kenya oo Baaray bac lagaga tagay Wadada Langata (Nairobi)..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com