Qalalaasi Siyaasadeed Oo Ka Taagan H/Shabelle

Politics

Waxaa soo shaac baxay Qalalaase siyaasaded oo muddo Soo jiitamaayay kana taagan magaalada  Madaxda Hirshaballe ee Jowhar, Iyadoo la isdhaafsaday Mooshino iska soo horjeedo oo ay kala wadaan Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle….

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Cabdi Xusseen Ayaa hadda qabtay Mooshin kalsooni kala noqosho Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheikh Cusmaan Barre oo ay Tiro 63-Xildhibaano ah ee Hirshabelle ay u soo gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka, waxaana Xildhibaannada Mooshinka Gudbiyay Caawa.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheikh Cusmaan Barre ayaa isna sheegay in uu qabtay Mooshin laga soo gudbiyay Madaxweyne Waare. Xaalada Hirshabelle ayaa caawa gashay waji cusub.  Waxa ayna u muuqataa in dagaalka siyaasadeed ay ku gacan sareeyaan Cali Guudlaawe iyo Waare.

Qalalaasahaan ayaa laga soo abaabulay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Wasiirka 1-aad, waxaana muuqata in dhinacyadaan ay la kala safan yihiin Garabyada isku Maamulka H:Shabelle.

30210cookie-checkQalalaasi Siyaasadeed Oo Ka Taagan H/Shabelle