Gudi Baariseed Oo Dhuusa Mareeb Loo Diray

Politics

Waxaa magaalada dhuusamareeb soo gaaray Gudi Baariseed oo ka kooban, guddoomiyaha maxkamada derajada koowaad ee ciidamada iyo Xeer Ilaaliyaha ciidamada, kuwaasoo Loo xil saaray dilkii ka dhacay Magaalada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in guddigaan uu magaalada Dhuusamareeb u tageen sidii ay u qaadi lahaayeen kiiska dilka loo geystay allaha u naxriistii Shaafici Xaaji Diiriye oo ka mid ahaa dhalinyarada ugu fir fircoonaa magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha maxkamada derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa lagu wadaa inuu dhageysto kiiska, islamarkaana uu go’aan ka soo saaro.

Xafiiska xeerilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa bilaabay raadinta cadeemo ku aadan sababta ka dambeysay dilka Marxuum Shaafici Xaaji Diiriye.

24980cookie-checkGudi Baariseed Oo Dhuusa Mareeb Loo Diray