Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Oo Ka Dhacay Kismaayo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo oo lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, xili Uu Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland uu safar shaqo ku joogo Magaalada Garoowe….

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu ka dhacay Xaafada Farjanno, ayaa la sheegay in lagu dilay Marxuum Khaliif Haashim Mooge, iyadoo la sheegay in Miinada dhejiska ah gaarigiisa loogu xiray, waana markii 2-aad muddo todobaad gudihiis falkaan oo kale uu kaga badbaaday Wariye ka tirsan Television Universal.

Qaraxaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay Ee Sanadkaan 2021-ka, iyadoo ay jirto jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay is-Mari waana Doorashada iyo amni xumo baahsan guud ahaan Somalia, Iyadoo Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada ay ku fashilmeen iney tanaasulaad muujiyaan ama xaliyaan khilaafaadka ka dhashay Xiisada Ciidamada Gobolka Gedo iyo Muranka Guddiyada Doorashada.

Talaabadaan ayaa dhiiri gelineysa iney Kooxaha argagixisada iney sii kordhiyaan Dhibaatada ay ku hayaan Shacbiga Soomaaliyeed, Waxaana loogu baaqay in si deg deg ah u dhameeyaan Khilaafka Doorashada iyo Ciidamada Dowladda u daadgureysay Gobolka Gedo.

83700cookie-checkQarax Lagu Dilay Xildhibaan Oo Ka Dhacay Kismaayo