Qaadka & Dagaalka Ciidamada

Somalia news

24-kii Saac ee ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdishu ka dhacay 2-dhacdo oo Qaadka la xiriira, iyadoo Duhurnimadii shalay Barxada Gadiidka Ceel gaab ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada kuwaasoo boob iyo dhac u geystay Haweenka Qaadka ku iibiya Suuqaasi…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dhacdadani lagu dhaawacay Mid ka mid ah Haweenka Qaadka Iibiyay, waxaana Ciidamada ay dhaxeeya Qaadkii Nooca, iyagoo ka tagay Qaadkii Nooca Ethiopia, iyadoo lagu fasiray in Qaadka Ethiopia uu wakiil ka yahay Madaxweynaha Walaalkiis.

Dhanka kale Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ayaa xalay israsaasayni waxaa ay ku dhexmartay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho, Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in mar qura laga war helay Israsaaseyn xoogan oo dhexmareysa Ciidamo Boliiska ah oo ka wada tirsan dowladda, isla markaana uu hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska ka jiray.

Isku dhaca Ciidamadaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamo Boliis ah oo bar koontarool ku leh Isgoyska Sanca dhinaca xiga beexaani ay rasaas ku fureen gaari ay qaad ku wateen Ciidamo, kaasoo isku dayay inuu xoog ku maro halkaas, sidaasina ay rasaas ku bilaabatay.

Inkastoo aan la shaacin khasaaraha dagaalka ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Boliiska ayaa buux-dhaafiyay Sanco, waxaana muddo oo hakad ku jiray dhaq-dhaqaaqii Isgoyska uu markii dambe dib u soo laabtay, iyadoo xiligaan xaalad ay degan tahay, waana dhacdo joogto noqotay xiligaan kala guurka ah.

74710cookie-checkQaadka & Dagaalka Ciidamada