Shirka Garoowe Yaa Bixiya Dhaqaalaha Ku Baxaaya

Somalia news

Magaalada Garoowe, waxaa muddo (6) maalmood ah ka socda shirka madasha aragti wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Arrimaha Siyaasada iyo daraasaadka ee Heritage oo horay ugu qaban jirey shirarka noocaan ah dalka dibaddiisa gaar ahaan Jabuuti….

Dad badan ayaa is-weydiinaya Yaa Bixiya Kharashaad iyo dhaqaalaha baaxada leh ee ku baxaaya Shirkaasi, maxaase laga faa’iidayaa Kooxahaan Siyaasiyiinta ah oo ku heshiin waayay Guddiyada Doorashada in goob la isugu keeno si ay u sheekeystaan.

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa tilmaamay in Dhaqaalaha ku baxaaya Shirkaasi ay bixiyeen Hey’adda Caalami ah iyo Dalal ka tirsan EU-da kuwaasoo dano gaar ka leh sidii Somalia loogu hirgelin lahaa barnaamijyo khaas ah, sida wax ka bedel ka Qabyo Qoraalka qodobada la xiriira Diinta, Qofka Qabanaaya Xilka Madaxweynaha iyo qodobo kale.

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire oo su’aashaasi la waydiiyey ayaa sheegay in Puntland ay Mas’uul ka ahayd fududaynta qabanqaabada, martigelinta iyo soo dhoweynta martida kala duwan ee ka qaybgelaysa.

Mas’uuliyiinta Machadka Heritage ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay bixinayso dhammaan dhaqaalaha ku baxaya 11-ka Mas’uul ee ugu sarreya martida lagu casuumey shirka halka ay inta kale uu bixinayo machadkooda oo kaashanayo hay’ado caalami ah, dhawaaqaan ayaa muujinaya mid runta ka fog!?.

83750cookie-checkShirka Garoowe Yaa Bixiya Dhaqaalaha Ku Baxaaya