Qorshada Afduubka Doorashada Ee Farmaajo Iyo Fahad Oo Laga Digay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan Qado ah oo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha NISA ay kula yeesheen Hoteelka Jazeera Ee Magaalada Muqdishu, xubno loo xulay Guddiyada Doorashada, Kuwa Khilaafaadka iyo Taageerayaasha CBB, sida loo xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news…

Qadada loo sameeyay Jamaahiirta jidbeysan Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo loogu a magac daray “Xoogaga Wadaniyointa”, ayaa loo sheegay Dhalinyaradaan in la joogo wakhtigii ay Xakumi lahaayeen Dalka, iyagoo loogu baaqay iney u diyaar garoobaan dagaal dhinacyo badan, waxeyna ka mid noqon doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee dhowaan la dhisi doono.

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Adeege Fahad uu ku guubaabiyay Jamaahiirtaan “ Xoog iyo xeeladba ay Maamulkoodu in isugu geyn doono sidii talada dalkaan dib loogu dooran lahaa Hogaamiyahooda Mr.Farmaajo”, wuxuuna xusay in 2021-ka Dalka uu yeelan doono Xildhibaano Dhalinyaro ah si gaar ah “Xoogaga Wadaniyiinta Iyo Difaaca Shacbiga (NISA).

Sida loo hirgeliyo Qorshahaan ayaa Adeege Fahad u sheegay Dhalinyaradaan iney bedeli doonaan Qodobka Dastuurka Ee qeexaya in Muwaadinka Madaxweynaha noqonaaya Waa inuu da’diisa ka yaraan 40-sano, waxaana lagu bedelayaa inuu ka yaraan 25-sano jir, Dhalinyaradaan ayaa u badnaa kuwa laga keenay Waqooyiga Somalia iyo kuwa Muqdishu laga soo uruuriyay.

Wallow ay calaamad Su’aal ay dul hoganeyso qaabka loo dhaqan gelinaayo riyo-maalmeedkaan Ee ay ku haminaayaan Madaxda Muddo xileedkeedu dhamaadka yahay, haddana waxaa muuqaneysa iney ku tala galeen ineysan si nabad ah uga degin, talaabadaasi oo horseedeysa Fowdo iyo dagaal sokeeye.

72530cookie-checkQorshada Afduubka Doorashada Ee Farmaajo Iyo Fahad Oo Laga Digay