Cabasho Laga Keenay Guddiyada Doorashada

Somalia news

Cabasho xoogan oo Xisbiyada Mucaaradka ay gudbiyeen Wakiilada daneeya Arrimaha Somalia ayeey ugu digeen iney soo fara geliyaan Xiisadaha ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka Ee heer Federaal iyo kan Maamul oo lagu soo daray Xubno ka tirsan NISA iyo Xoogaga CBB, kana digeen in Khaladkaan la saxo….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wakiilada Beesha Caalamka ay xiriir la sameeyeen Madaxweynaha Somalia, iyagoo ka codsaday inuu ka saaro Xubnaha NISA iyo kuwa Taageerayaasha ah ee lagu biiriyay Guddiyadaasi, isla markaasna uu soo magacaabo kuwa dhexdhexaad ah, iyadoo si gaar ah farta loogu goday Guddiyada Heer Federaal iyo Kuwa Maamulada Hir-shabeele, Konfur galbeed iyo Galmudug.

Sidoo Kale waxaa laga codsaday Mr.Farmaajo inuu faragelinta ka daayo Guddiyada Doorashada ee Ergada Waqooyiga Somalia, iyadoo lagu Eedeeyay Ra’iisul wasaare Kuxigeenka inuu maroorsaday Guddiyadaasi, waxaana loogu baaqay in la talo geliyo Gudoomiyaha Aqalka Sare.Mr.Cabdi Xaashi.

72480cookie-checkCabasho Laga Keenay Guddiyada Doorashada