Ma Dhabaa in Xiriirka Ciyaaraha Fudud (IAAF) Oo Aqbalay Xil ka Qaadistii Gudoomiyaha..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida IAAF ayaa aqbalay, islamarkaana taageeray xil ka qaadisti lagu sameeyay Gudoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud ee Somalis Khadiijo Aadan Daahir, iyadoo lagu eedeyay iney ku takri fashsy awooda Hogaanka Xiriirka..

Wararka ayaa sheegay in Barta ay internetka ku leeyihiin Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Aduunka ayaa waxaa magacii Khadiijo oo ahaa gudoomiyaha lagu badalay Faarax Cali Macallin oo ah hadda sii hayaha Gudoomiyaha, kaasoo horey u qoray Qoraal Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Aduunka.

Xoghayaha guud ee ururka ayaa ah Cabdiraxmaan Cusmaan Axmed sida lagu qoray bartaas, Tallaabada Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida IAAF ayaa ah mid muujinaysa in uu dhaqangalay amarkii xil ka qaadista ee lagu sameeyay Khadiijo Aadan Daahir.

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa dhankooda dhaqangaliyay amarka Wasiirka waxayna ku dhawaaqeen iney shaqada ka joojiyeen Gudoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Domalia, Khadiijo Aadan Daahir.
Hase yeeshee,Khadiija waxay beenisay in ay wax lug ah ku leedahay arrinta shaqada looga joojiyey, ayadoo sheegtay in “cayaarahaas ay yihiin cayaaro jaamacadeed, ayna ka qayb galayaan ardayda jaamacadaha”.

270800cookie-checkMa Dhabaa in Xiriirka Ciyaaraha Fudud (IAAF) Oo Aqbalay Xil ka Qaadistii Gudoomiyaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com