Share the post "Qoysas Soomaaliyeed Oo Dibadbaxyo Ka Dhigay Mogadishu Dowladana ka Codsaday.."
Waxaa Isu soo bax cabasho ay ka dhigern magaalada Mogadishu Qoysas Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay Hogaanka Dowlada Federaalka in la badbaadiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dilka qor goynta ah ay ku xukuntay Maxkamad ku taal Dalka Boqortooyada Sacuudiga…
Sida ay sheegeen dibadbaxayaasha, 45-qof oo Soomaali ah ayaa hadda ku xiran xabsiyada Sacuudiga kuwaasoo sugaaya in lagu fuliyo Xukunka Dilka ah, waxeyna ka codsanayaan Dowladda inay kala xaajooto Mas’uuliyiinta Sacuudiga sidii loo joojin lahaa xukunada dilka ah, loona xaqiijiyo iney helaan qareennada maxaabiista.
Dibadbaxayaasha ayaa rajo xumo ka muujiyay isgaarsiin la’aanta iyo taageerada dhanka sharciga ah ee dadka xiran. “Ma jiraan wax xiriir ah oo aan la sameynay carruurtayada xabsiga ku jira, ma aysan helin wax kaalmo sharci ah ama taageero, ma aysan gelin dambiyada lagu soo eedeeyay” ayuu yiri, Dibadbaxaab ayaa yimid kadib markii Nin Soomaali ah lagu fuliyay Xukunka Dilka ah.
Qunsulka guud ee Somalia Axmed Maxamuud Diiriye (Macaruuf) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xafiiskoodu uu aqoonsaday inta u dhaxaysa 45 ilaa 50 maxbuus Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan laga soo qabtay meel ku dhow xadka Sacuudiga iyo Yemen, Hay’ado dhowr ah oo u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dadkan la xiray, iyagoo sheegay in maxaabiis badan lagu khasbay ama lagu khiyaameeyay inay tahriibiyaan walxaha sharci darrada ah iyadoo lagu khasbay ama shaqo been abuur ah.