Maleeshiyaadka Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Baxdo Ee Gobolka Galguduud

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaano ka tirsan Maamul Gobokeedka Galmudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka ay Hoobiyayaal ku gaaraacay saakay aroortii magaalada Dhuusa mareeb…

Wararka ayaa sheegay in Dadka Rayidka ay kusoo tooseen dhawaqa Hoobiyayaasha kusoo dhacaysa magaalada iyo daafaheeda, ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha ka dhashay Hoobiyayaasha, inkastoo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in weerarkaan uu u muuqday mid mashquulin.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Shababka ayaa aroortii hore ee saakay Weerar ku qaaday Degaanka Baxdo oo ka tirsan Gobolka Galguduud, iyadoo weerarkaan ay ku bilaabeen Qaraxyo, isgaarsiinta Degaanka ayaa ilaa hadda hawada ka maqan, kadib markii qarax uu ku dhacay xarun isgaarsiineed.

Wararka ayaa sheegay inuu dagaalku ka socdo magaalada, lamana yaqaano khasaaraha ka dhashay, iyadoo dadka Rayidka ay ka qaxeen degaanka.

195360cookie-checkMaleeshiyaadka Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Baxdo Ee Gobolka Galguduud