Roobabkii Gu’ga Oo ka Curtay Degaanada Puntland Khasaarana Geystay..

Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Roobabka gu’ga ayaa ka curtay degaano ka tirsan Degmooyinka hoos yimaada Maamulka Puntland oo jiilaal adag iyo biya yaraani ka jireen bilihii ugu dambeeysay, waxaana degaanada qaarkood ka da’ay roobab mawjiid ah oo daadad sababay…

Wararka laga helaayo Tuulada Timirshe oo mara Togga Caraweyne ka tirsan Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka da’ay roob mahiigaan ah oo sababay daadad, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo Haweeney iyo 2-Caruur ah la sheegay iney Daadadku qaadeen Meydkoodana la helay sida ay xaqiijiyern Goob joogayaal degaankaasi ku nool.

Waxeyna intaasi raaciyern in geerida AUN marxuumad Qaali Ismaaciil Cawad oo k amid ahayd Dadka Degaanka iyo labada carruurta ah, waxaana socda dedaalo bulshada looga saarayo goobaha biyo mareenka ah, Roobabka gu’ga ayaa sidoo kale ka da’ay degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolada, Mudug, Nugaal, Sool iyo Sanaag, kuwaasoo dhamaantood Sabtidii shalay roobku ka curtay.

367720cookie-checkRoobabkii Gu’ga Oo ka Curtay Degaanada Puntland Khasaarana Geystay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *