Doorashada Gudoonka Golayaasha & Tan Madaxweynaha waa in Lagu Qabtaa Teendhada Afisioni

Somalia news

Waxaa aad isu soo taraaya baaqyada ku aadan in Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, Kuxigeenadiisa iyo Madaxweynaha lagu qabto teendhada Afisioni, kafib markii Hoobiye 60-mm lagu weeraray Kal-fadhigii Xildhibaanada & Senatarada ee shalay lagu qabtay Villa Hargeysa ee Madaxtooyada…

Soo jeedintaan ayaa loo cuskaday isku day khalkhal gelin Amaan Xildhibaanada & Senatarada, iyadoo lagu eedeeyay Farmaajo & Fahad iney ka dambeeyaan qorshaha lagu carqaladeeyay Kal-fadhigii shalay, Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur oo Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraalkaan:-

Doorashada Gudoonka Golayaasha Baarlamaanka ayaa loo balansan yahay 26-27 Bishaan, inta la og yahay 6-Xildhibaan & Senatoro ayaa u sharaxan, iyadoo Xildhibaanada & Senatarada ay welwel xoogan ka muujiyeen Amaanka Xeyndaabka Xarunta Madaxtooyada oo Farmaajo ka soo buuxiyay Maleeshiyaad Beeshiisa oo loo geliyay Dharka Ciidamada Ururka Boliiska Dableyda.

183620cookie-checkDoorashada Gudoonka Golayaasha & Tan Madaxweynaha waa in Lagu Qabtaa Teendhada Afisioni