Rooble Iyo Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay ineysan Doorasho Diyaar u aheyn Iney Qabtaan

Somalia news

Iyadoo Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta iyo Madaxda Dowladda Goboleedyada ay ku heshiiyeen in muddo lixdan maalmood ah lagu qabto doorashada dalka ayaa waxaa jira caqabado muuqdo oo doorashada dib uga dhigi kara xilligeeda, iyadoo Wakiilka Beesha Caalamka ay ka biyo diidsan yihiin in wakhtiga la lumiyo..

Wararka ayaa sheegay in Qodobadaas oo kii ugu horeeyay uu dhowr iyo labaatan maalmood qaatay ayaa waxay su’aal ka taagan tahay in maalmaha harsan ay qodobada kale ku qabsoomi karaan iyo in kale, Dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa waxay qabaan in maalmaha ka harsan lixdankaasi cisho aan dalka looga qaban karin doorashadii lagu ballamay.

Qodobada ay suurtagalka tahay inay waqti badan qaadan karaan ayaa waxaa ka mid ah hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi iyo arrinta qoondada haweenka.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday iyo Wasiirka 1-aad ay si hoose ugu heshiiyeen iney wakhti badan ku lumiyaan is-Jiis jiid iyo Khilaaf aan jirin in Shacbiga lagu maaweeliyo, waxeyna qorsheysteen in bilaha Juun iyo July lagu dhameeyo diyaarinta Guddiyada Doorashada, halka Doorashada Aqalka Sare la qabto August iyo September, sidoo October iyo November la guda galo Doorashada Xildhibaanada, iyadoo Doorashada Madaxweynaha la qorsheeyay in Sanadka cusub la qabto.

125400cookie-checkRooble Iyo Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay ineysan Doorasho Diyaar u aheyn Iney Qabtaan