Somalia Oo Dib u Hanatay Heerka A ee Duulimaada Muddo 30-sano Kadib

Somalia news

Hay’adda Duulimaadyada Somalia ayaa markii ugu horeysay muddo 30-sano ah heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey Dowladdu soo xusul duub ugu jirtay iney hesho aqoonsigaan, sida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda Duulista Rayidka…

Maareeyaha Mr.Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Dalka ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii caawa ka dambeeya ay Somalia ku biirtay wadamada ugu sareeya.

“Hawada Somalia 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, caawa ayaan ku guuleysanay in aan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka leexda hawada Somalia ayaa soo mari doona hawadeena,” ayuu yiri Maareeyaha, Wadamo, Hey’ado, Shirkado duulimaad iyo Ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan.

239030cookie-checkSomalia Oo Dib u Hanatay Heerka A ee Duulimaada Muddo 30-sano Kadib
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com