Shuruudo 4-Qodob Ah Oo Lagu Xiray Xalinta Khilaafka Doorashada

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Shuruudo 4-qodob ah oo lagu xiray sidii looga gudbi lahaa Khilaafaadka ragaadiyay Qabashada Doorasho dadban muddo gaaban gudahood, waxaana lagu wargeliyay Wakiilada Beesha Caalamka in ka qeyb galka Shirarka…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay gacanta u geliyeen Wakiilada Beesha Caalamka Shuruudo adag oo ay ku xireen iney hor fariistaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxaana ka mid ah:-

-In Shirarka wada tashiga lagu qabto Xarunta Xalane sababo amaan awgeed

-Taliyayaasha Boliiska Xoogga Dalka Iyo NISA xilka laga Qaado waxey u adeegaan Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday

-In Wakiilada Beesha Caalamka ay Goobjoog ka noqdaan Shirarka

-In Godoomiyaha Aqalka Sare uu Goobjoog noqdo, Ergo ka socota Midowga Musharixiinta iyo Bulshada Rayidka

Wararka ayaa sheegaya in Fariintaan loo wakiishay Danjiraha USA Ee Mogadishu inuu culeys ku saaro Mr.Farmaajo inuu aqblo sidii looga gudbo caqabadaha ku hor gudban Khilaafka Doorashada.

97590cookie-checkShuruudo 4-Qodob Ah Oo Lagu Xiray Xalinta Khilaafka Doorashada