Kadib burburkii Dowladii dhexe ee Dalka Filim sameyntu Soomaalida dhexdeeda ma aheyn arrin caan ah, mana aha wax fiican oo lagu dhiirado maalgashigooda, sameyntooda iyo jilistoodaba. Taariikhda filimada Soomaalidu waa mid kooban oo cimri gaaban. Waxa ay u eeg tahay, casriyowga iyo ilbaxnimada Soomaalida, ee lafteedu soo bilaabantey waqti aan sidaa u sii fogeyn, in saaxadda filimaduna ka sii gaabisey, taasoo loo aaneyn karo sababo la xiriirta qaab nololeedka iyo dhaqanka Soomaalida ee dhabnimada ku qotama iyo dhaqanka ee qofka Soomaaliga ah…
Ku darsoo waxaa kaloo jira sababo taas ka waaweyn oo dhaqaalaha & maalgelinta, duruufaha dagaalada laga dhaxlay iyo ilbaxnimada Sidaas oo ay tahay, tan iyo kontomeeyadii waxaa jirey dedaallo lagu sameeyey jiliino isku dubaridan oo Soomaali ah iyo heerar kala duwan filimada Soomaalidu mareen.
Ruwaayadaha (theatre performance) ayaa ah metalaadda ugu bowga dheer ee Soomaalidu ku taxan tahay, uguna caansan. Waa metalaad si toos ah uga dhacda masrax ay daawadayaashi joogaan oo lagu fiirsado, waana qaab masrixiyadeed jilniin oo aan la wadaagno dadyow badan, laguna gudbiyo madadaalo, Heeso, Gabayo iyo sheekooyin dhameystiran, hase yeesho e aad uga duwan filimada casriga ah ee duuban.
Bilowgii filmada iyo ruwaayadaha Soomaalida
Saaxadda filimada casriga ah ee Soomaalidu waxa ay jirtey tan iyo 1960, markii Somalia xorriyada ka heshay gumeystihii. Xorriyadii kadib waxaa kor u kacey tirada shirkadaha ka shaqeynayey wax soo saarka filimada, waxaana la sameeyey tiyaataro gaar loo leeyahay iyo filimo gaagaaban oo uu ka mid yahay, Cilmi iyo Caadi iyo tiro badan oo Riwaayado ah kuwaasoi qaarkood faaf reeb lagu joojiyey.
Waxaa xusid mudan in sannadii 1987 ay Mugdisho marti galisey mid ka mid ah bandhigyada filimada ee ugu waaweyn ee Afrika lagu qabtey (The Moqdisho Pan-African and Arab Film Festival|MOGPAAFIS) taas oo ay isugu yimaadeen filim yaqaanno iyo khuburo caalami ah oo ka kala socdey Geeska Afrika, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub. Dhinaca kale wakaaladdu waxa ay sameeysey xidhiidho caalami ah oo ay kula shaqeysey shirkado waaweyn sida British Films LTD, waxa ayna filamada duuban ka keeni jirtey waddamada Masar, Talyaaniga, Midowga Soofiyeetiga iyo Jarmalka Bari, iyada oo inta ay faafreeb iyo dib-u-eegis ku sameyso tiyaatarada u qeybin jirtey.
Riwaayadaha iyo guud ahaanba fanka casriga ahi waxa uu si weyn u caan baxey intii u dhaxeysey 1960 ilaa 1970, beri samaad xili ku suntan, Xiligaa fanka casriga ah, oo ay ku jiraan ruwaayaduhu, waxa ay noqdeen kuwo door muhiim ah nolosha ka ciyaara oo bulshada kala duwani ku xidhan tahay.
Caqabadaha iyo Fursadaha
Burburkii kadib, waxaa bilaabmey isku dayo iyo dedaallo ay dad gaar ahi la yimaadeen oo masraxii filimada Soomaalida dib loogu soo nooleynayo. Kooxo iskood isu abaabuley ayaa meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ka mid ah ka sameeyey filimo gaagaaban iyo kuwa dhaadheer oo ku saabsan arrimo iska dabeeci ah iyo mushaakillo markaa ay u arkayeen in ay wax kaga qaban karaan, sida arrimaha qoyska, jaceylka, takoorka iyo waxyaabo la mid ah. Waqtigy sida uu u socdey ayaa ay dedaalada iyo waxqabadka filimaduna u soo buleelayeen oo u soo badanayeen.
Inkastoo Dhulka Soomaalida oo dhan xiligaan uusan ka dhisneyn Jaamacad, Machad iyo Dugsi lagu barto xirfadaha filim sameynta iyo filim soo saarista sida qorista, duubista, jilista, farsameynta, agaasinka iyo soosaarista. Qof kasta oo doona in uu kaalmahaa buuxiyana waxaa u banaan in uu Ilaahay la kaashado oo halkii ay la marto iyo sidii ay u la eekaato u qabto shaqada iyo in uu waddamo shisheeye u aado waxbarashadooda, taas oo inta badan aaney duruufta dhaqaale saamixin.
Shirkadda filimka sameyneysaa ma haysataa filim hagayaal tababaran? Ma haysataa shirkadu qof u tababaran nashqadeynta dharka (Costume designer) oo abuura dhar waafaqsan dabeecadda, waqtiga, jewiga, goobta iyo sheekada? Mase og yihiin maalgashadayaashu in loo baahan yahay door noocaas ah?