Tuhun & Su’aalo ka taagan Qarixii lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar

Somalia news

Tuhunno iyo Su’aalo badan ayaa ku gedaaman Dilkii qorsheysnaa ee shalay lagu fuliyay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar Xasan oo ahaa Muwaadin 19-sano ku xirnaa Talyaaniga oo lagu waayey dambi loo heystay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa mid si ula kac ah loogu beegsaday Marxuumka, waxaana loogu xiray Gaari Noca Prado ah Oo uu watay, isagoo qaraxu ku qabsaday xilli uu mareyay xaafadda Macmacaanka, Waaxda Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley, isagoo u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxa kasoo gaaray.

Wararka ayaa sheegay inuu degenaa Dalka Sweden, wuxuuna dhawaan Ceel biyood ka hirgeliyay degaanka uu ka soo jeedo ee Gobolka Shabeelada Dhexe, Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar, inkastoo qaraxyada nooca lala beegsaday ay fuliyaan Al-Shabaab, taasoo keentay inay soo baxaan su’aalo badan oo ku sabasan cidda qarxiysay iyo sababta loo beegsaday.

Marxuumka ayaa la sheegay in Dowladda Talyaaniga markii ay sii daayeen ay siiyeen dhaqaale magdhow ah oo gaareysa tiradeeda rasmiga ah la isku khilaafay, Wararka qaar ayaa ku sheegay 3 milyan oo dollar halka kuwa kalena ay ku sheegeen 5 milyan oo dollar, taasi oo hadda tuhun kale dhalineysa kadib dilkiisa.

199140cookie-checkTuhun & Su’aalo ka taagan Qarixii lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar