Deni Oo Xilli Dambe Xalay Xilal Magacaabay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaa xilli dambe ee xalay magacaabay Xilal isugu jira Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland…

Wararka ayaa sheegay Xilalka la magacaabay oo isugu jira Agaasimayaal, Xisaabiyaha Guud, A/kuxigeeno, Taliyayaal Ciidan, La-Taliyayaal iyo Gudoomiyayaal Gobol, iyadoo Magacaabistaan ay ku soo beegmatay xilli khilaaf uu ka taagan yahay Doorashada iyo furista ka doodida Dastuurka.

1. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

3. Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Yuusuf Maxamed Faarax (Geesa Wayne) loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee Bankiga Dowlada Puntland.

6. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Faramyeeri) loo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

7. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cabdidaahir Maxamed loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

8. Waxaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.

9. Waxaa Sharmaarke Yaasiin Cali loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

10. Waxaa Xasan Maxamed Ciise (Goodir) loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

11. Waxaa Shaafici Maxamed Ismaciil loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Daaqa iyo Isbedelka Cimaladda.

12. Waxaa Cabdixakiin Maxamed Cismaan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

13. Waxaa Cabdifitaax Salaad Aadan loo Magacabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamulwanaaga.

La-Taliyayaal:-

Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.

2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta

Gudoomiyayaal Gobol:-

Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal

3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal.

Taliyayaal Qeybaha Boliiska:-

Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal.

2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar.

3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag.

4. Waxaa G/Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.

262440cookie-checkDeni Oo Xilli Dambe Xalay Xilal Magacaabay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com