Nidaamka Dowliga sida uu dhigaayo marka uu Madaxweyne uu dal safar shaqo ku tegaayo, Waa lama huraan iney Wasiiro ka sii horeeyaan oo u sii gogol xaaraan Qodobada laga wada xaajoonaayo, kuwaasoo la kulma wasiirada dhigooda ah si ay u ilaaliyaan una matalaan danaha dalkooda. MW Farmajo markasta oo uu aadayo wadaamda Ethiopia iyo Eritrea waxaa uu horay u sii wataa Xoghayntiisa, Cali Fiqi iyo Mid ama laba qaraabadiisa ah, kuwaasoo aan la gelin shirarka uu galo.
Mar hadda ka hor wax laga weydiiyey RW Kheyre sababata uu MW Farmajo ugu noqnoqdo Eritrea waxaa uu ku jawaabay waxba kalama soconno, waana run wali lama arag RW oo tagay waddamaadaas si wixii uu Faramjo soo saxeexay ama soo oggolaaday mabda’a ahaan dabagal ugu sameeyo.
Haddaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa u soo baxaya inay jiraan, su’aalo qarsoon oo ay socdaan waxyaabo qarsoodi ah oo uu MW Farmajo kaligiis u aado waddamadaas, kuwaas oo aan ahayn kuwa ay dani ugu jirto dalka.
Xogaha hadda la helayaa waxay sheegayaan in jawaabo loo raabo su’aalahan:
-Waa maxay Sababta uu MW Farmajo uusan u wadanin wasiiradda ku shaqada leh hawlaha uu si rasmi ah uga soo qabto waddamadaas oo noqonaya kuwa sharci ah marka uu MW Soo ogolaado ama soo saxeexo?
-Waa maxay sababata uusan shacbiga, xukuumadda iyo Barlamanka ula wadaagin waxa uu soo qabtay, soo saxeexay ama uu mabdi’iyan soo ogolaaday marka uu soo noqdo?
-Ma waxaa jira waxyaabo uu MW Si qarsoodi ah u iibiyo sida qeybo dhulka Somaliyeed ka mid ah sida Badaha, Dekedaha iyo dhulkaba, kuwaas oo hadhow markii uu ka tago kursiga soo bixi doona balsa noqon doona middi calool ku tagtay sida Hawd iyo Reserve Area 1954 oo aan wax ka qabad lahayn?
-Maxay wadahallada uga maqan yihiin walaalahayn reer JIbuuti misa iyagaa miiska saaran oo la googoosanayaa sababtaasna aan loogu casuumin kulamada?
-Haddii Afwerki iyo Abiy qaraabo yihiin sow Farmajo iyo Geelle qaraabo maaha oo miisaanka dhinaca u liicaya loo dheelliti la’yahay misa waa “maxaa sacab loo tumaa habeen haddii aanay wax ku jirin?”
-Aaway Barlamaanka dalka oo u muuqda shaqaale aan wax shaqo ah qaban oo lacag uun iska qaata oo ay wax uga weydiin la’ayihiin Madaxweynaha in uu horkeeno heshiisyada qarsoodiga ah iyo kuwa aan ahayn ee uu soo galay iyo waxa uu ka keeno safaradda joogtada ah ee uu bishii laba jeer u baxo, qaatana dayuurad kira ah oo ay xogaha qaar sheegayaan inay reerkiisu saami ku leeyihiin?
Isku soo duub Safarrada Mr.Farmajo ee Eritrea iyo Ethiopia wax badan ayaa dadka Soomaaliyeed uga qarsan waxayna noqon karaan bam nagu qarxa maalin aan waxba laga qaban karin. Haddaba waxaa muhiim ah in loo baraarugo arrinkaan inta ay goori goor tahay arimahaan qarsoon ee MW Farmajo kaligiis karinayo. Waxaa mar waliba dadka lagu mashquuliyaa waxyaabo gudaha ah si aysanba uga fekerin siyaadda walaaca badan ee gobolkan Geeska Afrika iyo Badda Cas.