Howlgal Lagu Khaarijiyay Eedeysane Dil ka Geystay Degmada Buur Hakaba..

Uncategorized

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howl gal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayeey ku guuleysteen shalay iney toogasho ku dilaan Nin habeenkii Khamiista toogasho ka gaystay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay…

Wararka ayaa sheegay in Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Isaaq Ismaaciil Isaaq uu gudaha Degmada ku dilay laba askari oo ka tirsanaa Xoogaga Amaanka halka gabar kalena uu dhaawacay, xilligaasoo loo maleynayay inuu dib ugu laabtay degaanka Buur Eyle ee gobolkaasi oo bilo ka hor uu ka yimid.

goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkayeen isagoo ku dhuumaaleysanaya Buurta dusheeda kadibna waxey ku wargeliyeen Ciidamada Amaanka in Eedeysanaha uu ku sugan yahay Buurta Degmada, waxaa la sheegay in ciidamada ay isku gadaameen goobtii uu ninkaasi ku sugnaa, isla-markaana ay ku amreen inuu isu soo dhiibo, balse uu ka biyo diiday.

267850cookie-checkHowlgal Lagu Khaarijiyay Eedeysane Dil ka Geystay Degmada Buur Hakaba..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com