Ma Dhabaa in Talefonada Gaar ahaan laga Qaatay Shaqaalaha Xafiiska Hab-maamuska Wasaarada Dibeda..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa xaqiijinaaya in hannabaado iyo cabsi gelin joogto ah lagu hayo dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Dibadda, kadib markii la helay Qoraal Wasaarada u dirtay Safaarada Italy ee Somalia laguna dalbaday Dal ku gal 17-xubnood oo uu Madaxweynaha ku jiro…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Koox hubeysan oo isugu jira Ilaalada Madaxtooyada iyo NISA, ay dhammaan Shaqaalaha ka howlgala Agaasinka Xafiiska Habmaamuuska iyo Xasuus dhowrka Wasaarada Arimaha Dibadda ay qori caaardiis kaga uruursadeen (qaateen), Telfoonadoodii gacanta di baaris iyo raad raac loogu sameeyo.

Wararka ayaa sheegay in Howlwadeenadaan loo heysto cida bixisay (Fasfisay) warqada lagu qoray Magacyada Wafdiga Madaxweynaha ee uraacaya dalka Talyaaniga Berito Dalka Italy, Kooxdasn Hubeysan ayaa hanjabaad u jeediyey dhamaan Shaqaalaha ay telfoonadooda ka qaadeen, ilaa haddana laguma soo celin.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu sahay Safar u qaadan doono 110-Kun US$, iyadoo 14 ka mid ah Xubanaha Madaxweynaha wafdigiisa ay yihiin qarabadiisa, Dadka ayaa la qorsheeyey in aysan ka soo laaban Dalka Talyaaniga oo ay kasii gudbaan, Sida xogaha ayni helnay tilmaamayaan.

267710cookie-checkMa Dhabaa in Talefonada Gaar ahaan laga Qaatay Shaqaalaha Xafiiska Hab-maamuska Wasaarada Dibeda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com