Safarka Gaas Ee Dooxa & Qorshaha Fashilka ah ee Ka Dambeeya

Somalia news

Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee xiligaan kala guurka ah ayaa noqday mid Madax xanuun ku riday Kooxda Dooxa, iyagoo la saan-qaadi la’ xaalada Cakiran ee Somalia, iyadoo Siyaasiyiinta Xiligaan jilaalka ku dheeraday ay bilaabeen is-muujin ku aadan taageeradooda Imaarada yar ee Qatar…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Cali Gaas uu muddo todobaad ah marti u yahay Maamulka Dooxa, wuxuuna kulamo qarsoodi ah kula yeeshay Saraakiisha Sirdoonka & kuwa Madaxtooyada, iyadoo kulankaasi lagu lafa guray Guud ahasn Xaalada Somalia gaar ahaan degaanada Puntland.

Siyaasada Danleyda Soomaalida ayaa ah mid ku dhisan Macaash, iyadoo Mr.Gaas muddo dheer xiriir hoose la lahaa Dowlada UAE, si uu uga sii dhex muuqdo saaxada Siyaasada jilaalkana uga baxo ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inuu mar kale isku soo sharaxo Xilka Puntland, inkastoo xiligaan jufadiisa kaltan xileedka aysan laheyn.

Ilaa hadda lama yaqaano sababta ay Dowladda Qatar u daneyneyso Shaqsiga qabanaaya hogaanka Maamulka Puntland, kadib markii ay ku fashilmatay iney Kasbato quluubta Shacbiga magaalada Mogdishu, waxaana shaki ku jirin in dhibaato xoogan ay ka soo gaartay taageeradoodii Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

177690cookie-checkSafarka Gaas Ee Dooxa & Qorshaha Fashilka ah ee Ka Dambeeya