Doorashada & Abaabulka Ciidamada Iska Soo Horjeeda

Somalia news

Kadib markii ay soo dhowaatay in degaanada loo asteeyay in lagu qabto Doorashada ayaa waxaa soo shaac baxaaya ifafaalo ah abaabulo Ciidamo oo iska soo horjeeda kuwaasoo la sheegay in lagu uruurinaayo Degaanada la doonaayo in lagu qabto Doorashada, Ciidamadaan ayaa la sheegay in Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka kala wataan…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Degaanada Galmudug gaar ahaan Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Gaalkacyo oo loo asteeyay in lagu Doorashada ay durbadiiba ku sii qulqulayaan Ciidamo iska soo horjeeda kuwaasoo doonayaan iney difaacaan Xubnaha Musharixiinta ah oo u taagan Xilalka Senatorada iyo Xildhibaanimada.

Halka Magaalada Jowhar iyo B/Weyne oo loo asteeyay in lagu qabto Doorashada la sheegay in muddo ah ay ka taagneyd Xiisado u dhaxeeya Mr.Cali Guudlaawe iyo Hogaamiye Degaanka B/Weyne ka soo jeeda oo Ciidamo daacad u ah ku Duleedka Magaalada, Xiisadahaan ayaa cidna iska xil saarin iney heshiis lagu dhameeyo si Doorashada jawi nabad ah lagu qabto, iyagoo Kooxaha iska soo horjeeda ay ku mashquulsan yihiin sidii Kuraasta loo boobi lahaa.

Magaalooyinka Kismaayo Iyo Gedo ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka taagan xiisado colaadeed oo muddo 3-sano soo jiitameysa kuwaasoo u dhaxeeya Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday (Farmaajo) iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland (Sheekh Axmed Madoobe), Xiisadaan ayaa u gudubtay Beelaha labada nin ay ka soo jeedaan kuwaasoo dhowr jeer isku fara saaray degaano ka tirsan Gobolka Gedo isla markaasna aan heshiis rasmi ah la dhex dhigin labada Beel, waxeyna hadda u muuqata in Xiliga Doorashada ay dhici karto inuu dagaal dhiig ku daato ka dhaco degaanada Doorashada.

124690cookie-checkDoorashada & Abaabulka Ciidamada Iska Soo Horjeeda