Howlgalada Cusub Ee Saadiq John Ma Mashruuc Farmaajo Mise!!!

Somalia news

Khubarada Ku xeel Dheer Arrimaha gudaha ee Somalia, waxeyn ku jahwarewreen Howlgalada iyo qandaraaska cusub Ee Horjooge Saadiq John, oo Bulshada Soomaaliyeed u heysatay Shqasi aad uga soo horjeeda Kaligii-taliye Farmaajo, iyadoo loo heystay inuu yahay Muwaadin Qaranka…

Horjoogahaan (S/John), wuxuu ka soo jeeda Degmada Cadaado, isagoo ka mid ahaa Maleeshiyaadkii uu hogaamin jiray Hogaamiye-kooxeedkii Maxamuud Maxamed Cali (Sigane), wuxuuna ka mid ahaa isaga iyo Qorqor Maleeshiyaad arday bus saaran ku rasaaseeyay Isgoyska Cali Kamiin ee Magaalada Mogadishu.

Mashruuca Cusub ee Saadiq John, Waxaa lagu tiriyaa iney soo diyaariyeen Farmaajo, Rooble, Qorqor iyo Cabdi Qeybdiid, waxaana loogu tala galay in Doorashada degaanada Galmudug ee Senatorada iyo Xildhibaanada ee Labada Aqalka in lagu boobo, Aragti kale ayaa sheegeysa in Galmudug loo geeyay sidii Midowga Musharixiinta xiriirka uu la leeyahay Sadiq John in shaki la kala geliyo.

Barnaamijkaan oo ah mashruuc laga soo karkariyay Villa Somalia, ayaa ujeedada ka dambeysay ay tahay sidii loo barakicin lahaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Degaanada Galmudug, islamarkaana Hey’addaha Samafalka la weydiisto Gargar, taakuleyn iyo dib u dejinta barakacayaasha gudaha (Internal displacement).

130630cookie-checkHowlgalada Cusub Ee Saadiq John Ma Mashruuc Farmaajo Mise!!!