Safarka Qarsoodiga ah ee Agaasimaha FBI-da ee Dalka Kenya & Sababta ka Dambeysa…

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar shaqo oo qaatay 5-Maalmood oo uu ku tagay Agaasimaha FBI-da Mareykanka magaalada Nairobi, kaasoo uu soo gabagabeeyay maalintii doraad aheyd, iyadoo warar badan ay ka soo baxeen joogitaanka mudadaasi ee u ku tagay Kenya…

Agaasimaha Mr.Christopher Asher Wray ayaa sheegay inuu booqanayo saaxiib weyn la ah Dalka Mareykanka kaasoo dhinacyo kala duwan ah si kor loogu qaado hawlgallada lagu adkeynaayo Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobolka, Saraakiisha Amaanka ayaa booqashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama Wray iyo kooxdiisa ay muddo shan maalmood ah ku sugnaayeen Nairobi kulamo iyo booqashooyin kala duwan ku tageen goobo dhowr ah.

Waxaana ka mid ahaa goobaha uu booqday Nairobi National Park, Dusit D2 Complex iyo tiro malls ah, isagoo sidoo kale kulamo la yeeshay Agaasimayaasha CID-da, NIS, Mohamed Amin, Nuradiin Xaaji iyo Madaxa Xafiiska la dagaalkanka Musuqa Mr.Twalib Mbarak iyo Dacwad oogaha Kenya Mr. Mulele Ingonga, wuxuuna ka hadalay sidii iskaashi looga sameyn lahaa ka hortaga Dembiyada abaabulan, kuwa argagixisada iyo been abuurka dokumentiyada.

331650cookie-checkSafarka Qarsoodiga ah ee Agaasimaha FBI-da ee Dalka Kenya & Sababta ka Dambeysa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com