Gaadiid Ku Xaniban Wadada u Dhaxeysa Degmooyonka Mandheera iyo Wajir ee Dalka Kenya..

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Degaanka Kutulo ayaa sheegaya in ka badan 30-Gadiid isugu jira kuwa Xamuulka iyo Basaska Rakaabka ay labadii todobaad ee u dambeysay ay ku xaniban yihiin kadib markii wadada ay dhiiri noqatay ayna ku adlaatay Gadiidka iney ka gudbaan…

Wararka ayaa sheegaya in Gaadiidkaan oo ay ku raran yihiin badeecooyin u badan Khudaar ayaa muddo laba todobaad ah ku xaniban, iyadoo la sheegay in Shixnadahaan ay iska leeyihiin ilaa 150-Haween ah oo ka ganacsada Khudaarta, waxaana la sheegayaa in xaalad nolol adag ay ku heysato Wadayaasha Gaadiidka iyo Rakaabka iyagoo maalin kasta u lugeeya Tuulada ugu dhow 4-KM u jirta.

Haweenka Gadisleyda ah ayaa sheegay in Khudaarta ay wadaan ay ka mid yihiin Avokaado, Canbaha, Yaanyo iyo Babaayga, waxeyna ka cabsi qabaan iney khasaaro aysan ka soo kabsan karin ka soo gaarto, iyagoo ugu baaqay Ciidamada Dowlada Kenya iney gurmad u fidiyaan si loo badbaadiyo Ganacsigooda.

287400cookie-checkGaadiid Ku Xaniban Wadada u Dhaxeysa Degmooyonka Mandheera iyo Wajir ee Dalka Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com