Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi Oo La Hakiyay Howlaha Hagista Diyaaradaha

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarada xamuulka ah oo ku xaniban wadada ay ku duulaan (Runway) ee JKIA, iyadoo ku jirta xiliga kicista ayaa dab qabsaday mid ka mid ah Matoorada diyaarada oo ku sii jeeday Magaalada Amsterdam taasi oo sababtay in taayirrada dajinta ay qarxaan,sida laga soo xigtay ilo wareedyo…

Wararka ayaa sheegay in Dhammaan 16-kii taayir ee diyaaradaan oo ay iska leedahay Shirkadda Singapore Airlines ayaa ku xaniban Dhabaha, waxaana la sheegay in mid ka mid ah Matoorada Diyaarada ay gashay Shimbir xili ay ku jirtay kicitaanka, taasoo sababtay in dhamaan Diyaaradihii kacaayay la joojiyo kadib markii ay ku guuldareysatay diyaaradu inay kacdo markii mid ka mid ah matoorada ay cilado ku timid.

Ilaa hadda, dhabaha ay diyaaraduhu ka haadaan ayaa qayb ahaan loo furay si ay diyaaradaha yaryar u duulaan, Maamulka Garoomada Kenya ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo hakiyay duulimaadyadii soo deji lahaa iyo kuwa ka  kacaay Garoonka JKIA, waxeyna sheegeen iney ku howlan yihiin sidii Diyaarada looga qaadi lahaa Dhabaha.

251950cookie-checkGaroonka Diyaaradaha ee Nairobi Oo La Hakiyay Howlaha Hagista Diyaaradaha