Saraakiil Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Saraakiil ah oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka gooni isutaaga Somaliland, kuwaasoo lagu eedeeyay iney xiriir wada shaqeyn la leeyihiin Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday islamarkaana ay wadeen qorshe ka dhan ah Maamulka Hargeysa….

Xogtaan ayaa sheegtay in Saraakiishaan oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 5-sarkaal kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Harabjeclo iyo Arab ayaa lagu tuhmayaa in dhaqaale looga soo dhiibay Magaalada Mogadishu gaar ahaan Xafiisyada Ra’iisul wasaare kuxigeenka iyo kan Warfaafinta, Saraakiishaan ayaa lagu xiray xero Ciidan oo ku taal duleedka Magaalada Hargeysa.

Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Arab ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsan beesha laguna magacaabo Jaamac Maxamuud Doolaal muddo maalmo ah uu ku xiran yahay xero ka mid ah xerayaha Ciidamada, Suldaanka ayaa eedeyn u jeediyay Madaxa Ciidamada Somaliland Nuux Taani oo uu sheegay inuu burburin ku hayo Ciidamada Maamulka Hargeysa.

103440cookie-checkSaraakiil Lagu Xiray Magaalada Hargeysa