Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Carqaladeynaayo Kulanka Mudulood

Somalia news

Waxaa qeylo Dhaan laga soo saaray Kala qeybin iyo isku dir uu ka dhex wado Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Kulamada lagu mideynaayo Beelaha Mudulood, kaasoo lagu wado inuu maanta ka bilaawdo Hoteelka Royal Plaza Ee Magaalada Muqdishu…

Kulankaan ayaa soo qabanqaabiyay Guddiga Marjaca Ee Beelaha Mudulood, kuwaasoo muddo 2-sano iyo dheeraad ku soo jiray Howshaan iyo sidii loo mideyn lahaa Garabyada kala duwan Ee Beelaha Mudulood, isla markaasna loo caleemo saari lahaa Imaam cusub oo Dhaqanka ah, iyadoo dheer aysan Beelaha Mudulood aysan laheyn, isla markaasna Maamul lagu mideysan yahay loogu dhisi lahaa Maamul Goboleedka Hur-Shabelle.

Waxaa lagu Eedeeyay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu carqaladeyn ku hayo Arrimaha Beelaha Mudulood, iyagoo dhaqaale Gobolka Benadir u adeegsanaaya iyo shaqsiyaad dhuuni qaatayaal ah, kuwaasoo doonaya iney meel mariyaan Damacooda ah iney Maamul maqaar saar ah loo dhiso Hir-shabelle, lana hoos geeyo Villa Somalia.

66510cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Carqaladeynaayo Kulanka Mudulood