Xukun la la Xiriiriyay Markab Dhuxul Siday Oo lagala noqday

Somalia news

Maxkamad ku taal Saldanada Dalka Cumaan ayaa laashay xukun hore loogu riday Ganacsato lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen ka ganacsiga Dhuxusha Dalka Somalia laga soo dhoofiyo iyo iney xiriir hoose la leeyihiin Kooxda Argagixisada Shababka…

Wararka ayaa sheegay in talabadaan ay qaaday Garsoorka Maxkamada ayaa aad looga hadal hayaa Warbaahinta dalkaasi, kadib markii lagu eedeeyay Dadkaan iney Dhucul Sharci darro ah dalka soo geliyeen laguna helay dembigaasi.

Maxkamada Sare ayaa 3-Eedeysane u xukuntay in la siidaayo kuwaasoo dadaal badan ku bixiyay sidii eedeynta kiiska looga nadiifin lahaa, iyadoo horey loogu eedeeyay iney si dhow ula shaqeeyaan Kooxda Argagixisada Shababka.

Markabka siday Dhuxusha oo lagu magacaabo MV Fox ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Dekedaha Magaalada Dubai ee Dalka UAE ama Sacuudiga, waxaa sidoo kale Saameyn ku yeeshay oo xilkiisa ku waayay Wasiirkii hore ee arrimaha Dibeda Somalia kaasoo qoraal u uqoray Dowlada Dalkaasi kana codsaday in la siidaayo Markabka.

203080cookie-checkXukun la la Xiriiriyay Markab Dhuxul Siday Oo lagala noqday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Xukun la la Xiriiriyay Markab Dhuxul Siday Oo lagala noqday

Comments are closed.