Saraakiishii Suufiyada Oo Muqdishu Looga Yeeray

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa inta badan Saraakiisha Kooxdii Ahlu suunah ee Magaalada Dhuusa mareeb, Ee lagu biiriyay Ciidamada Boliiska ayaa looga yeeray iney iska xaadiriyaan Dugsiga Sare ee Boliiska, kadib markii Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor uu cabasho ka gudbiyay….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in tirada guud Ee saraakiishaasi lagu sheegay iney gaarayasn 64-Sarkaal, kuwaasoo lagu qaatay darajooyin kala duwan, iyadoo lagu wargeliyey dhamaantood in 10-ka bishan December ay ku soo xaroodaan Dugsiga Sare ee Ciidamada Boliiska ee Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in dhamaantood laga soo qaado deegaanka iyo inta badabar aysan garaneyn heerka uu yahay dib loogu celiyo, isagoo nala wadaagay warqadaha amarkaas lagu bixiyey.

Wuxuuna intaasi raaciyay “Horta tuhun badan ayaan qabnaa arrintaana laba mid ayey noqoneysaa, in shaqa cusub naloo diri rabo iyo in deegaanka nalaga raafi rabo oo ay tahay qorshe doorashada la xariira iyo Maamulka Qorqor.

Sidoo kale sarkaalkan oo hadda ka tirsan qeybta Boliiska Somalia ee Galmudug, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii ay wareejisay Ahlu-Sunna ayaa noo sheegay inay qabaan tuhun ah inuu ka dacwooday Madaxweyne Qoor Qoor oo qorshaha socda uu yahay dalab isaga ka yimid, iyadoo Mr.Qorqor uu diiday inuu dib ugu laabto degaanka inta laga soo qaadaayo Saraakiisha Suufiyada Magaalada Dhuusa mareeb.

76420cookie-checkSaraakiishii Suufiyada Oo Muqdishu Looga Yeeray