Shabaabka Oo La Wareegay Dagaan Hoos Taga Cadaado..

Politics

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta bilaa dagaal kula wareegay deegaan hoos-tagga Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Kooxdaan ayaa saacado ka hor gudaha u galay Deegaanka Cadakibir, oo qiyaastii 70km u jira Degmada Cadaado ee Xaruntii hore ee Maamulka Galmudug.

Degaankan ayaa waxaan horey u joogin Ciidamada Maamulka Galmudug, waana taa midda u sahashay inay si nabdoon kula wareegeen Kooxda Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka la wareegay Deegaanka Cadakibir ay wateen gaadiidka dagaalka, isla-markaana ay ka taggeen Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Horjooge Shabaabka ka tirsan oo fagaare ku yaala deegaankaasi kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan ururka, isla-markaana ay ka fogaadaan la shaqaynta Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya inaanay garanayn in ay Shabaabku sii jooggi doonaan deegaankaasi iyo inay dib ugu laabanayan halkii ay ka yimaadeen.

Deegaanka Cadakibir oo laga xukumo Cadaado ayaa ah deegaan nabdoon, marar kala duwana waxaa booqasho ku tagey masuuliyiin ka tirsanaa maamuladii hore ee Galmudug.

17250cookie-checkShabaabka Oo La Wareegay Dagaan Hoos Taga Cadaado..