Shabaabka Oo Maamulo Ka Dhistay Dalalka Kenya iyo Somalia

Politics

Waxaa xiliyadii ugu dambeeyay aad u soo kordhaayay Saameynta, Is-balaarinta iyo maamul u dhisida Kooxda Shabaabka ay degaano ka kala tirsan Dalalka Kenya iyo Somalia, iyadoo Talaabadaan ay muujineyso iney ku wiiqeyso awooda Maamul ee Dowladahaan dagaalada kula jira Kooxda argagixisada Shabaabka….

Warbixino qarsoodi ah oo ay diyaariyeen Hey’addaha Sirdoonada ayaa in muddo ah ka digaayay in Kooxda Shabaabka ay ka Garab dhisaan Maamul iyaga ka amar qaata Degaanada iyo Gobolada qaarkood ee dalalka Kenya iyo Somalia, iyagoo u suurto gashay iney Dhaqaale ka uruursadaan degaanadaasi,

Wararka ayaa sheegaya in Degaanada Waqooyi-Bari Kenya iyo Degaanada Ku teedsan Xeebaha ee dalka Kenya, Sida degmada Lamu,Gaarisa,Wajeer iyo Mandheere ayaa la sheegay iney Dadka ka qaadaan Canshuuro (Baad) isla markaasna ku maalgeliyaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowlada Kenya, waxaana la sheegay in digniino ay soo saareen Hey’addaha Sirdoonada ay ka digeen In Diyaaradaha rayidka ay dul maraan Dhulka y Dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Dhanka Somalia ayaa Warbixinta lagu qoray, in Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Bay, Bakool, Gedo,Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelooyinka, ay ka qaadaan (Zekawaadka) Baada, waxeyna ka dhisteen Tiro badan Oo Taageerayaal iyo Xubno ka tirsanaa Kooxda ay ku dhex milmeen Maamulka Wasaaradaha iyo Qeybaha Ciidamada, Sidoo kale waxey kooxdu ku guuleystay iney Dekada iyo Airboorka Xafiisyo maamulo si dadban u geystaan kuwaasoo u soo gudbiya Macluumaadka la xiriira badeecooyinka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada kuwaasoo looga yeero xafiisyo ay ka fureen Degmada Dayniile iyo duleedkeeda kuna uruursadaan Dhaqaalaha baada ah ee laga qaado Ganacsatada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay In Ciidamada Dowladaha Kenya iyo Somalia ay joojiyeen muddo dheer dagaaladii iyo howlgaladii lagu wiiqaayay Kooxda Shabaabka, taasoo la sheegay iney u suurto gelisay iney dib isu abaabulaan, waxaana laga cabsi qabaa in 17-Bisha Ramadan (Maalinta Beder) iney Howlgalo ka fuliyaan.

31660cookie-checkShabaabka Oo Maamulo Ka Dhistay Dalalka Kenya iyo Somalia