Baarlamaanka Puntland Oo wada Kulamo uu La Yeelanaayo Maamulka Puntland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr.Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in jiraan Xarumo caafimaad oo si khaldan u iibiya kaniinka “Viagra” iyo waxyaabaha kale ee adkeeya xubinta Ragga…

Wasiirka oo shalay hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Oo wax laga weydiiyay xanuunada ka dhashay isticmaalka kaniinka “Viagra” iyo malabka lagu adkeeyo xubinta Ragga, Isagoo sheegay inay la socdaan goobo si khaldan u iibiyay daawooyinkaas, kuwaas oo uu u digay.

Dhanka Kale

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhigga 50-aad ee Golaha, kaas ajandihiisu yahay la-xisaabtanka Xukuumadda oo dhowaanahan ay wadeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta waxaa hortagaya masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Puntland, oo uu horkacayo Wasiir Axamed Yuusuf Maxamed (La-beyk).

201550cookie-checkBaarlamaanka Puntland Oo wada Kulamo uu La Yeelanaayo Maamulka Puntland