Diyaaradaha Oo Diiday Iney Qaaday Xoogaga Farmaajo

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in 5 kamid ah Maamulada Shirkadaha diyaaradaha Duulimaadyada gudaha ka shaqeeya ee Somalia ayaa diiday iney qaadaan Xoogaga Hubeysan ee Farmaajo kasoo daabulanayo goboladda dalka si Mogadishu ay dagaalada Magaalada uga qeyb qaataan….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Maamulka Diyaaradaha ayaa sheegay iney ka cabsi qabaan in la duqeynayo oo diyaaradahooda lasoo ridayo haddii ay soo qaadaan Maleeshiyaadka Farmaajo rabo inuu isku ilaaliyo.

Shalay fiidkii ayeey aheyd markii Qoryaha lidka diyaaradaha ee Zuu 23-mm iyo 37-mm tijaabo ahaan looga riday, tijaabdaasi ayaa aheyd digiino loo jeedinaayo Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha iney soo qaadin Xoogaga Hubeysan ee Farmaajo inkastoo saakay labada diyaaradood ay Xoogag ka soo qaadeen B/Weyne iyo Guricel.

114750cookie-checkDiyaaradaha Oo Diiday Iney Qaaday Xoogaga Farmaajo