Shil Gaari OoKa Dhacay Muqdisho

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil gaari oo xalay ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo Gaari xamuul oo weyn uu jiiray Kaalin shidaal iyo dadweyne iyo Gaadiid ku sugnaa Kaalin Shidaal….

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga shilka geystay oo Gaari weyn oo xamuul nooca N3 iyo Rimoorkiisa oo siday alaab xamuul ah ayaa gudaha u galay kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag, waxaana shilka ka dhashay qasaare isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Waxaa shilka ku geeriyooday dad fara badan oo la sheegay inay gaarayaan 10-qof, dhaawucuna ilaa 6/Wof, gaariga jiiray dad badan oo shacab ah iyo baabuurtii kaalinta shidaalka ku sugnaa, iyadoo isbitaallada la geeyay dhaawacyo fara badan, Goob jooge ayaa sheegay “Waxaan arkay meydadka illaa 10 qof oo dhammaantood ahaa dadkii Isgoyska Hawlwadaag ku sugnaa markii uu shilka dhacaayay, laakiin dhaawacyada intaas waa ka yar yihiin. Waxaan ka naxay dad mooto bajaaj saarnaa oo gaariga uu dulmaray.”

37370cookie-checkShil Gaari OoKa Dhacay Muqdisho